DF Somalia oo qaati laga taagan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacay kulan ballaaran oo ay goobjoog ka ahayeen siyaasiyiin, xildhibaanno iyo bulshaqada qaybaheeda kala duwan, kuwaasoo ka hadlayay sababta keentay in loo car qaladeeyo shiir dowlad gobaleedka loogu sameenaayo lixd gobal oo ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Kulanka oo ay joogeen xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka soo jeeda lixda gobal, ayaa dhaliilay dowladda Soomaaliya, waxaana ay ku eedeeyeen in ay carqaladeeneyso shirkaas.

Mas’uuliyiinta ka hadlay goobta waxaa ka mid ahaa Xildgabaannada kala ah Sheekh Aadan Madoobe iyo Xuseen Maxamed Muuse Baantuu

Waxa ay labadooda sheegeen in dowladda ay ku qaldan tahay in arbushaad ku sameeyso shirka ka socdo Baydhabo, waxaana ay cambaareeyeen falkii dhawaan ay is hor taageen ciidamada AMISOM odayaasha ku shirsan xarunta ADC-da ee Baydhabo.

Xuseen Baantuu ayaa sheegay isagoo ku hadlaya magaca shacabka ku dhaqan Jubbooyinka inay taageersan yihiin shirka maamul u sameynta lixd gobalka, wuxuu caddeeyay in maamulka KMG ah Jubba in uu yahay maamul gacan ku sameys ah oo aan dadka u wada dhameyn.

Sidoo kale Xildhibaan Aadan Madoobe oo horrey u soo noqday guddoomiyaha golaha baarlamaanka, ayaa sheegay in Soomaaliya ay qaatay nidaamka fedaraalka siddaas darteed haddii lixda gobal dadka ku dhaqan ay diyaar u yihiin in sameestaan halo maamul in loo daayo oo aan laga fargalin.

“Shirka Baydhabo waxaa car qaladeebata dowladda Soomaaliya oo la rabay in ay taageerto maadamma uu hadda socdo hal sanno iyo maalo sidda ay noo sheegeen howlwadeenada shirka.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay siyaarsiiyin iyo haween kuwaasoo sheegay in taageersan yihiin shirka maamul u sameynta lixd gobal ee Koonfur Galbeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

Caasimada@live.com