Somaliland oo shaacisay sababtii ay u xirtay mas’uuliyiinta DF Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Soomaaliland ayaa waxa ay ka hadleen tallaabada ay ku xireen saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maalin kahor Garoonka diyaaradaha Magaalada Hargaysa laga qabtay, xilli ay doonayeen inay galaan Magaalada.

Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliland Cali Maxamed Waran Cadde, ayaa sheegay inay mamnuuc utahay in saraakiil ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya inay galaan deeganada Soomaaliland ay ka taliyaan.

Wuxuu sheegay in arintani la isugu soo hadal qaaday shirkii dhawaan kusoo dhamaaday dalka Turkiga Soomaaliland, ay diiday in saraakiil ka socota Dowladda ay tagaan Magaalada Hargaysa.

Wasiir Warancade, ayaa ku tilmaamay tallaabada saraakiisha Dowladda ka tirsan ay ku tageen Magaalada Hargaysa ay tahay mid xadgudub ah, maadaama arintani ay kawada hadleen masuuliyiinta Dowladda Soomaalida.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ee Somaliland C/waaxid C/qaadir C/raxmaan, oo la hadlay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa sheegay inay diyaarad kale saareen Saraakiisha Dowladda Federalka.

Wasiirka muusan kala cadayn in Saraakiishaan ay dib ugu celiyeen Magaalada Muqdisho iyo in ay horey ugu sii daayeen Magaalada Hargeysa, laakiin waxaa la xaqiijiyay in ay Hargeysa u yimaadeen, sidii ay ku gaari lahaayeen Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Saraakiisha Magaalada Hargaysa lagu xiray ayaa waxaa kamid Maxamed Jamac Maxamed oo xafiiska Madaxweynaha dhanka Paratakoolka u qaabilsanaa iyo Fahiimo Urur Nageeyo oo shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka tirsan iyo shaqsi kale oo aanan helin darajadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com