Xog iyo Warbixin buuxda oo laga diyaariyay khasaarihii fatahaada webiga Shabelle ee Beledweyn.

Xoghaya samafalka gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin ka bixiyey tirakoob ay ka sameeyeen khasaaraha ka dhashay daadadka roobab iyo fatahaado uu sameeyey Wabiga Shabelle ee dhexmara magaalada Beledweyne labo maalin ka hor.

Xoghaya samafalka gobolka Hiiraan ee arimaha binu,aadanimada C/laahi Cabdi Ceeymoy oo la hadlayey qaar ka mid ah warbaahinta Dibada Asiga oo jooga Magalada Qaahira ayaa sheegay in daadadka iyo fahahaadaha ka dhacay Beled weyne ay illaa hadda la diiwaan geliyay iney ku dhinteen 32 ruux oo u badan caruur iyo dad waayeel ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay diiwaan geliyeen fatahadaas Iney ku bakhtiyeen xoolo u badan ari oo gaaraya 2600 -3000 oo neef, kuwaasoo raqdooda la arkay iyagoo dul sabeynaya daadadka magaalada ku soo rogmaday, wuxuuna xusay in Bakhtigaas uu keeni karo khatar caafimaad. Sidoo kale guri kasta oo aay biyo galeen waxaa ka dumay Musqulahii waxaa lagu arkaa bulaacadaha wasakhdoodii biyaha dushooda waxaa sidoo kale ka dhalatay malaariye.

“Intaan hubno oo la tiriyey qoysas kor u dhaafaya 12000 kun oo u badan haween, caruur iyo dad waayeel ah oo jilicsan ayaa ku barakacay daadadkaas, kuwaasoo daadsan banaanka magaalada ka dib markii qaarna ay guryaha ugu galeen biyo joogoodu ka sareeyo 1.20-mitir, qaar kalena biyuhu ay cagta mariyeen guryohoodii” ayuu intaa ku daray C/laahi Cabdi Ceeymoy .

Sidoo kale, Xoghaya samafalka Gobolka Hiiraan C/laahi Cabdi Ceeymoy ayaa sheegay in dadkaas barakacay aysan heysan hooy ay ka galaan kuleeyka maalintii iyo qabowga Habeenkii ayna heystaan duruufo nololeed oo aad adag, Waxaan ka codsaneeynaa Heyadaha samafalka kuwa lokalka ah iyo kuwa aan aheeynba in dadkaa waxii la tari kara la tara wuxuuna xusay in maamulkiisu uusan awood u laheyn gurmad uu dadkaas u sameeyo Sida aay horay ugu shanqariyeen Gudoomiya kuxigeenada Kala ah Mudane Muxumed Garabeey,Mudene Cadaawe iyo ,Mudane Axmed inji oo hada ah ku simaha Golka hase ahaatee ay ugu baaqayaan heyadaha samafalka iney gargaar la soo gaaraan.

Xoghaya Samafalka gobolka Hiiraan Mudane Ceeymooy waxaa uu intaa ku daray in uu khubaro reer Masar aay balan qaadeen Ineey tagi Doonaan Gobolka aayna qiimeeyn ku soo sameeyn doonaan Qasaaraha Ka dhashay Fatahaada Wabiga Waqti dhaw hadii uu alle idmo Waxaa kal uu sheegay Xoghaya Samafalka gobolka Hiiraan Mudane Ceeymooy in dad badan oo kheeyka jecel oo reer Masar ah aay gaarsiin doonaan goor dhaw magaalada b/weeyne daawooyin iyo dhaqaatiir caawisa dadka tabaaleeysan ee daadsan Burjada Ciinta ilaah Ceel jaale iyo jante kuundishe .

Wariye Madax banaan
Abdullahi Abdi Subeir