Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaaya kulan wakhti badan qaatay oo dhexmaray Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo diblumaasiyiin ka tirsan Xafiiska QM ee Somalia.
Kulanka ayaa waxaa lasoo warinayaa inuu ahaa mid Jawaari lagu weydiinaayay wararka sheegaya in DFS ay wakhti kororsi damacsan tahay, islamarkaana uu isaga yahay nin taageero ganbasho la’aan u muujinaaya Xassan Sheekh.
Diblumaasiyiinta oo dhowr waax ka socday ayaa Jawaari u sheegay in QM ay daneyneyso in Somalia si rasmi ah looga dhaqangaliyo cadaalada, iyaga oo sheegay inay u muuqato ifafaalooyin muujinaaya in Jawaari uu doonaayo in Xassan Sheekh uu wakhti ka darsado misna mar kale kusoo laabto xilka iyada oo loo maraayo qaabab khaldan.
Jawaari ayaa iska fogeeyay in Xassan Sheekh uu uga dhex soocan yahay madaxda kale, waxa uuna daliil usoo qaatay sida BFS uu ula xisaabtamo Xukuumada iyo in Mooshinada lidiga ku ah aan la qarin balse si rasmi ah loo mariyo Xassan Sheekh.
Jawaari waxa uu sidoo kale sheegay in doorashada uu ka yahay dhex dhexaad islamarkaana uusan diyaar u aheyn inuu garab boodo shaqsi gaar ah.
Diblumaasiyiinta ayuu dhankooda ugu baaq inay ka shaqeeyan dhicitaanka doorasho aan buuq ka dhalan isaga oo ku dhaliilay in ballanqaadkooda uu biyo dhiciisu noqdo mid aan mirro dhal laheyn.
Dhanka kale, Diblumaasiyiinta ayaa Jawaari ugu baaqay inuu dhex dhexaad ka noqdo Siyaasada midibada badan ee ka taagan Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

