27 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Jawaari oo war farxad badan u geeyey XASAN kaddib xildhibaano uu la shiray

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War naga soo gaaray Villa Somalia ayaa sheegaya in Gudoomiyaha BF Somalia Maxamed Cusumaan Jawaari oo gaaray Aqalka dalka looga arrimiyo uu halkaasi kulan aan caadi aheyn kula qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Jawaari ayaa waxa uu madaxeynaha uga warbixiyay kulan maanta uu la qaatay Golaha Badbaado Qaran oo ay ku mideysanyihiin ilaa 100 xildhibaan kuwaasi oo qalinka ku duugay in si ay kalsooni ku jirto loo ansixin doono Ra’isul wasaaraha dalka CCC Sharmaarke oo la filaayo in maalmaha soo socda uu hortago BF.

Sidoo kale, Jawaari ayaa waxa uu Madaxweyne Xasan u sheegay in dadaal dheer kadib uu badi Xildhibaanada ka dhaadhiciyay inaan la hor istaagin Xukuumada Cusub oo iyadu la doonaayo inay gudato waajibaadkeeda inta uga harsan xukunka dalka.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu sidoo kale Madaxweynaha u balanqaaday inaysan caqabad kala kulmi doonin Golaha shacabka oo iyagu sugaaya inay qaabilaan Ra’isul wasaare CCC Sharmaarke.

Madaxweyne Xasan ayaa si diiran usoo dhaweeyay guusha uu Jawaari kala soo hoyday kulankii uu la qaatay Golaha Badbaado Qaran oo u badan Xildhibaanadii kasoo horjeeday Mooshinkii Cabdi weli..

Kullanka Jawaari uu la qaatay xildhibaanada waxaa sidoo kale ku wehliyey ra’iisul wasaaraha magacaaban.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News