Xog: Jawaari oo kulamo ka dhan ah Farmaajo iyo Kheyre ka wada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo aan la wadaagnay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uusan ku calool fiyooben Magacaabida Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Xogta ayaa tibaaxeysa in Siyaasiyiinta uu Jawaari la doonaayay kamid noqoshada Golaha Wasiirada qaarkood lagu bedelay Shaqsiyaad uu watay Hogaamiyaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaanada aan xogta la wadaagnay ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari uu magaalada Muqdisho ka wado kullamo gaar gaara oo looga soo horjeedo meelmarinta Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Jawaari ayaa magaalada Muqdisho ku uruurinaaya Xildhibaano uu cadadkooda aad u sareeyo kuwaa oo uu qorshuhu yahay inay is hortaagan Golaha Wasiirada ee la filaayo in Baarlamaanka Somalia la horgeeyo 25/03/2017 oo ku beegan maalinta sabtida ah.

Warar kaa ka duwan ayaa sheegaya in wadahadal uu qabyo u yahay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, Ra’isul wasaare Kheyre iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaana suuragal ah in mowqifka Jawaari uu isbedelo haddii uu ku qanco wixii kasoo baxa kullanka qabyada u ah Seddexda Mas’uul.

Magaalada ayaa waxaa ka socda kullamo u dhexeeya Xildhibaanada Baarlamaanka kuwaa oo isku uruursanaaya Hoteelada magaalada Muqdisho, iyadoo uu qorshahoodu yahay inay meelmarin Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com