Xog: Jawaari oo la filayo in uu noqdo guddoomiyaha xisbiga HIMILO QARAN

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu soo gaaro Magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif Shiikh Axmed ayaa lagu wadaa inuu Berri oo ay taariikhdu tahay 25 April uu soo gaaro Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya

Diyaar garow lagu soo dhoweynayo Shariifka ayaa ka socota magaalada Muqdisho, iyadoo soo dhoweynta uu diyaarinayo Xisbiga Himilo Qaran.

Wararka ayaa sheegaya in ujeedada safarka Sheekh Shariif ee Muqdisho uu yahay Shirweyne uu Xisbiga Himilo Qaran ku qabanayo Muqdisho, kaasoo lagu dhisayo xubnaha Golaha Fulinta Xisbigaas.

Shir uu leeyahay Xisbiga Himilo Qaran ayaa lagu wadaa in maalinta Sabtida uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Kulankaas ayaa waxaa looga dhawaaqi doonaa xubnaha Golaha Fulinta Xisbigaas, waxaana lagu casuumay dad aad u farabadan.

Sheekh Shariif oo looga adkaaday doorashadii 2017 ayaa isu diyaarinaya in markii saddexaad uu diyaar garow xoog leh u galo Tartanka doorashada soo socota ee 2020/21.

Guddoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran ayaa laga yaabaa inuu noqdo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari kaasoo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa musharax u noqon doono Xisbiga Himilo Qaran.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa u muuqdo inuu kamid noqon doono xisbiyada ugu adagee dalka ka jiro inkastoo aan weli go’aan laga gaarin nooca ay noqon doonto Doorashada ka dhici doonto Soomaaliya iyadoo weliba shaki weyn laga qabo inay dowladda hadda jirto isku daydo inay sameysato waqti kororsi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com