Xog ka cusub dagaalka Tukaraq oo gaadiid siday saad iyo kuwo dagaalka looga gubay maamulka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxa uu dagaal culus subaxnimadii hore ee maanta oo Khamiis ah ka bilowday deegaano hoostaga magaalada Tukaraq ee gobolka Sool.

Dagaalka oo aad u xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyaa ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland, waxaana la maqlayaa Jug iyo rasaas aad u xoogan oo ay is weydaarsanayaan labada dhinac.

Goobjoogayaal ayaa soo sheegaya in dagaalka lagu dilay ciidamo dhowr ah, isla markaana geeridu ay iminka kor u dhaaftay 12 oo labada dhinac ah, halka dhaawacyada ay waxyeeladu soo gaartay ay gaarayaan ilaa 14 oo dhammaantooda ay yihiin ciidamo.

Inta uu Dagaalka socday maamulka Somaliland ayaa sheegay inay gubeen ilaa 4 gaari nooca dagaalka ah oo ay ku jiraan kuwo saad u waday ciidamada Puntland ee ka dagaalamaaya Jiida.

Gaadiidka la gubay ayaa labada kamid ah waxa ay yihiin noocyada Dagaalka oo ay adeegsanayeen ciidamada Puntland, inkastoo ay Puntland beenisay.

Nuux Taani oo ah Taliyaha ciidamada Millitariga Somaliland ayaa sheegay in dagaalka ay bilaabeen ciidanka Puntland, Somaliland-na ay iska difaacday.

Puntland war ay soo saartay waxay ku sheegtay in Somaliland ay duulaan ku soo qaaday ciidanka Puntland ee ku sugan Tukaraq.

15 Bishan May ayey ahayd markii ay bilowdeen dagaaladan kawaas oo dhaliyey khasaaro labada ciidan kala gaartey.

Dhinaca kale, 8 janaayo 2018 ayaa ciidamada Somaliland ku soo duuleen Tukaraq, waxaana ay qabsadeen Tukaraq iyo deegaano u dhaw, Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in ciidankoodu soconayo ilaa ay ka gaaraan Yoocada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com