Xog ka cusub fadeexadii Shoole iyo Fahad Yaasiin ee Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tallaabadii agaasime ku xigeenka Villa Somalia Cabdirisaaq Shoole uu ku nasakhay heshiiskii shirkadda Aaran Irman Trading ay raashinka ku keeni jirtay Villa Somalia, laba sano ka hor waqtigii heshiiska uu dhici lahaa.

Shoole ayaa ku dooday in heshiiskaas uu ku ekaa bishii June ee 2016, sida ku cad warqadda uu soo saaray, hase yeeshee waxaa soo baxay xaqiiq taasi ka duwan, iyo ujeedo kale oo arrintan laga leeyahay.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in heshiiska looga baxay shirkadda Aaran, oo ay leeyihiin gabdho Abgaal ah, si shirkad kale oo lagu magacaabo Horn Logistics loo siiyo heshiiska.

Shirkadda Horn ayaa waxaa wada leh Shoole oo Leelkase ah iyo Fahad Yaasin oo u dhashay reer Aw-Xasan, islamarkaana ah ninka ugu awoodda badan Soomaaliya waqtigan.

Tallaabada Shoole ayaa la sheegay inuu ka hor-yimid agaasimaha madaxtooyada Abuukar Baalle, oo aan lagu war-gelin, islamarkaana diiday sharci-darrada lagu sameeyey shirkadda Aaran.

Siyaasiyiin ku dhow madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka digay in ficillada Shoole iyo Fahad Yaasin ay sumcadda madaxweynaha dhaawac gaarsiin karaan.

Musuq-maasuqa Shoole iyo Fahad Yaasin ayaa imanaya xilli dowladda cusub ee Soomaaliya la mooday mid aad uga wanaagsan dowladdii hore, waxaase hadda muuqata inay jidkii oo kale ku socoto.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET