Xog ka cusub khilaafka Cali Guudlaawe iyo Dabageed

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in markale dhaceen shirar xasaasi ah oo xal loogu raadinayo qabashada doorashada kuraasta ku harsan Beledweyne.

Shirarkan oo u dhaxeeya madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe, Ku-xigeenkiisa Yuusuf Dabageed iyo Musharaxiinta u taagan kuraastaas ayaa waxaa is-faham hordhac ah looga gaaray khilaafka ka taagna kuraasta beelaha Xawaadle iyo Gaaljecel.

Xogaha aan helayno ayaa sheegaya in dood dheer kadib uu Yuusuf Dabageed ka tanaasulay kuraas uu doonayay inuu u xiro dad gaar ah, ayada oo madaxweynaha Guudlaawe uu ka baaqday safarkii uu ku aadi lahaa Jowhar.

Guudlaawe oo doonayay in uu soo dhameystiro kuraasta ku harsan Jowhar ayaa lagu qanciyay in uu joogo Beledweyne illaa inta laga qabanayo doorashada kuraasta muranka badan ka dhashay.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa dhawaan si adag uga horyimid qorshe ay wateen kooxda Farmaajo, kaasi oo ahaa in kuraasta doorashadoodu ku harsan tahay Beledweyne loo xiro dad gaar ah, sida hore u dhacday.

Guudlaawe ayaa sidoo kale Talaadadii kulan uu la qaatay inta badan musharixiinta u taagan 11-ka kursi ee ku harsan magaalada Beledweyne ayaa u cadeeyay in uusan marnaba yeeli doonin in la kala xigsado musharaxiinta. ayaa u caddeeyey mowqifkiisa.

Si kastaba, Kooxda Farmaajo oo isku dayeysay in Beledweyne ay kasoo saarato dad gaar ah oo ay wadato, ayaa waxa uu xilgaan qorshahaas u muuqday mid dhicisoobay, maadama uu Dabageed oo si toos ah ugu xirna Villa Somalia uu tanaasul ka sameeyay kuraasta.