Sidee dagaalka Ukraine u saameeyey Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online)– Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka Ukraine ka socda uu saameyn ballaaran ku yeeshay ka jawaabidda abaaraha Soomaaliya, iyadoo ka digtay in ay soo food saartay dhaqaale la’aan naafaysa, si wax looga qabto abaarta jirta.

Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in xasaradaha ka jira Ukraine ay qaateen dhammaan taageerada caalamku ugu talo galay dalalka kale oo ay Soomaaliya qayb ka tahay, maadaama ay haatan la daala dhaceyso abaaro baahsan.

Sidoo kale warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in dhibaatada abaareed ee ka jirta dalka ay saameeysay illaa 4.5 milyan oo qof, oo ah ku dhawaad ​​30% tirada dadka Soomaaliyeed.

Adam Abdelmoula oo ah xiriiriyaha bini’aadanimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay in loo baahan yahay $1.46 bilyan oo u dhiganta (1.23 bilyan oo Yuuro), si loogu daboolo baahiyaha Soomaalida.

“Xaaladdu aad ayey u xun tahay, ku dhawaad ​​671,000 oo qof ayaa lagu qasbay inay ka cararaan guryahooda si ay biyo, cunto ama daaq u raadiyaan xoolahooda, taasoo ka badan laba jibaar 245,000 oo barakacay bishii December,” ayuu yiri Adam Abdelmoula.

Soomaaliya oo haatan ku jirto xaalad kala guur ah oo ka dhalatay daaha doorashooyinka ayaa waxa dhanka kale wajaheysa abaar saameysay nolosha qoysas fara badan.

Si kastaba, dowladda federaalka ah oo kaashaneysa saaxibadeeda caalamka ayaa ku howlan u gurmashada dadka ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay dalka.