Koonfur Galbeed oo soo saartay liiska doorashada kuraastii ugu dambeysay

Baydhabo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaacisay liiska doorashada kuraastii ugu dambeysay ee Golaha Shacabka Soomaaliya, gaar ahaan xubnaha ku haray maamulkaasi, kuwaas oo lagu dooranayo gudaha magaalada Baydhabo.

Qoraal kasoo baxay guddiga SEIT ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada 7 kursi oo ku harsanaa Baydhabo la qabanayo maalmaha soo socda.

Kuraasta la shaaciyey ee doorashadooda la qabanayo ayaa kala ah HOP#181, HOP#204, HOP#197, HOP#179, HOP#172, HOP#164 & HOP#047.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadajinta doorashooyinka Golaha Shacabka oo lagu wado in lasoo gabagabeeyo, ka hor 15-ka bishaan March ee sanadka 2022-ka.

Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah maamullada ku horreeya dadajinta doorashada, marka loo eego maamul goboleedyada kale ee dalka.

Horey waxaa magaalada Muqdisho loogu soo gabagabeeyo doorashooyinka kuraasta gobollada waqooyi iyo kuwa beelaha Banaadiriga, waxaana kusoo xiga Koonfur Galbeed.

Doorashada oo qaadatay muddo ka badan 1 sano ayaa haatan mareysa meel wanaagsan, iyadoo la guda-galayo doorashada guddoonka labada aqal iyo mida madaxweynaha.