Gabdhaha Gaalkacyo waxa ay na bareen sida looga guulaysan karo FARMAAJO

Gaalkacyo oo inta badan lagu tilmaamo inay tahay ubucda colaada Soomaalida ayaa waxaa ka dhacday arrin aan la filayn. Soomaaliya waxaa beryahayn ka socday doorasho dadban oo lagu dooranayay xubnaha galaha shacbiga 11-aad ee dalka, waxaana inta badan hareeyay muran iyo musuq maasuq fara badan, ayada oo sidaas ay ku soo baxeen in ka badan 200 xildhibaan.

Hase yeeshee gabdhaha Gaalkacyo waxay muujiyeen dhiiranaan aan caadi ahayn waxayna tartankooda u ogolaadeen saxaafadda in toos looga daawado daafaha kala duwan ee adduunka taaso noqotay wax aan inaba caadi ahayn oo 200 oo xildhibaan oo dooran ku dhiiran waayeen, kuwasoo inta badan ku soo baxay MALXIIS tanaasulay iyo gacan taag.

Ubax Tahliil oo ku fadhiday kursiga #HOP60 waxay ahayd xildhibaan si weyn u taageera Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Farmaajo, waxayna si cad u sheegtay inay taageero buuxa ka haysato beesha kursigan leh welwelana ka qabin hablaha kale ee la tartamaya.

Hase yeeshee Ubax waxaa mar kaliya dareenka Ubax Tahliil is bedelay markii hablaha 3da ah ee la tartamaya ku dhaweeqaan is bahaysi looga soo horjeedo xildhibaan Ubax oo Villa Somalia garab ka haysato, waxayna ku goodiday in doorashada aanay geli doonin, hase yeeshe wadahadal dhib badan kaddib Ubax waxaa lagu qanciyay inay ka qayb gasho tartanka.

Kaameradaha waxay ishaydu qabteen Ubax oo meel keligeed fadhida, iyo 3-da hablood ee la tartamaya oo dhegaha wax isugu sheegaya, wareegii koowadaba isbahaysiga hablaha waxay heleen in ku dhow 60 cod, Ubaxna 44 cod. Waxaana wareega 2aad u gudbay Ubax iyo Qaali Shire oo metelaysa isbahaysiga hablaha, waxaan si fudud ku soo baxay musharaxii hablaha ee Qaali Shire taaso dhalisay dabaaldegyo ka bilowda goobta doorashada kuna fiday magaalada Gaalkacyo, Galmudug iyo guud ahaan Somalia ??. 

Maxaa laga baran karaa doorashada Gaalkacyo.

  • Dhiiranaanta gabdhaha Soomaliyeed iyo awoodooda siyaadeed.
  • In haddii mushaxiinta isku bahaystaan si kalsooni leh ay ka guulaysan karaan Farmaajo 
  • In Gaalkacyo ay Horseed u noqon karto nabad waarta oo lagu helo nidaam dowladeed oo taariikhda xusi doonto. iyo In cashar hordhac ah u noqoto isbarbar yaaca iyo kala dhuumashada horay looga soo jabay ee sahashay guushii 8 Fabraayo Farmaajo kusoo baxay wixii hadda ka danbeeyana dib u eegaan in midnimadu tahay wadada guusha lagu gaaro.

Waxaa Qoray/ Mohamed Muse Yusuf (Afrika)
mohamed.yusufafrika@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.