Maxay Batuulo Gaballe ka tiri boobka kuraasta haweenka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, Marwo Batuulo Axmed Gaballe ayaa ka hadashay dhammeystirka doorashada Golaha Shacabka iyo boobka loo geystay kuraasta gabdhaha.

Batuulo Axmed Gaballe oo sidoo kale ah guddoomiyaha ururka haweenka ayaa tilmaamtay in la ogyahay kuraasta gabdhaha ee loo boobay ragga, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay aadi doonaan dhanka, si wax looga qabto boobka loo geystay kuraasta loo qoondeeyey haweenka Soomaaliyeed.

Marwo Batuulo oo hadalkeeda sii wada ayaa shaaca ka qaaday in tani ay muujineyso in laga gaabiyey heshiiskii horey looga gaaray doorashooyinka dalka.

“Waxaa muuqata in laga gaabiyay heshiiskii iyo sharcigii lagu heshiiyay ee doorashadda, sababta aanan u raja beeleynin waa in aan heysano sifo sharci ah oo aan ku heleyno xuquuqdeenna, sababtoo ah kuraasta gabdhaha laga boobay waa kuraas la yaqaanno, ragga loo boobayna waa la yaqaanaa”, ayey tiri guddoomiyaha guddiga xaqiijinta ee qoondada haweenka.

Waxa kale oo ay intaasi kusii dartay in 56-da kursi ee dhimman loo baahan yahay in 37 ka mid ah laga dhigo qoondo haween, si loo xaqiijiyo 30%.

Doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa haatan mareyso gabagabo, waxaana illaa iyo hadda soo baxay 44 gabdhood, iyada oo tirada guud ee haweenka laga rabo 82.