Wareysi: Dabageed oo ka hadlay ‘khilaafka’ Guudlaaawe, shaaciyey arrin cusub

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa beeniyey in doorashada ka socota Beledweyne ay isku khilaafeen asaga iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Waxa uu sheegay in go’aanka u dambeeya uu leeyahay Madaxweyne Cali Guudlaawe, isagoo balan qaaday in qof gaar ah aysan kursi u xiri doonin, “Aniga iyo madaxweynaha kursi kasta isku aragti ayaan ka nahay,” ayuu yiri.

Yuusuf Dabageed oo u waramay VOA ayaa la weydiiyey inuu fuliyo amaro laga siiyo Villa Somalia, waxuuna ku jawaabay, “Madaxtooyada waa la isaga kacsan yahay oo dadkaas siyaasad ayey isku hayaan, aniga iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe madaxtooyada saaxiib ayaan la nahay, laakiin anagu aragtideena ayaan wax ku wadnaa, qof kale aragtidiisa kuma shaqeyno.”

Sidoo kale Dabageed waxuu meesha ka saaray in Farmaajo iyo Rooble ay ka codsadeen in dad gaar ah kuraas loogu xiro, “Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare ama cid kale, ma nagala hadlin in kursi qof loo xiro, hadey nagala hadleena waa hebel dhihi meyno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle ayaa sheegay inay isugu yeereen musharaxiinta kuraasta aan weli la dooran ee Beledweyne taalla, “Aniga iyo madaxweynuhu waxaan u sheegnay musharaxiinta inay furan yihiin kuraastu ‘ee ku tartamaan dhahnay.”

Ugu dambeyntii Yuusuf Dabaheed ayaa ku eedeeyey siyaasiyiin uu sheegay in mudo dheer ay Madaxweyne Cali Guudlaawe ka hor taagnaayeen Beledweyne inay hadda magaalada u joogaan qalqal gelinta doorashada.

“Dad inay ayagu wax boobaan raba, shalayna xumaan ka shaqeynaayey oo garoonka soo xabadeeyey maalinkii uu ka soo degay Madaxweynaha oo hal sano iyo bar ay ka hor taagnaayeen ayaa hadda magaalada u yimid inay xumaan kale ka shaqeeyaan, taas kama yeeleyno, anagaa halkaan ka talina xumaan cid ka shaqey karta ma jirto,” ayuu yiri Dabageed.

Hoos ka dhageyso wareysiga