Doorashada 3 ka mid ah kuraasta Beledweyne oo dib loo dhigay iyo Jeesow oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa hakiyey doorashada seddax ka mid ah kuraasta taalla magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, ayadoo sababta lagu sheegay in cabasho ka timid habraaca loo marayo doorashada kuraastaas.

Seddaxda kursi ayaa kala ah HOP030, HOP010 iyo HOP066, waxuuna guddiga doorashada ee heer federal warqadaan ku faray guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee HirShabeelle in doorashada kuraastaas la hakiyo.

Waxaa xusid mudan in maalmo ka hor sidaan oo kale loo hakiyey doorashada 3-daan kursi, balse waxaa mar kale xubnihii u tartamayey loo sheegay inay lamid yihiin kuraasta kale oo doorashadooda aan dib loo dhigi doonin.

Dhanka kale qoraal ka soo baxay guddiga doorashada HirShabeelle ayaa lagu yiri, “Guddiga Doorashada Hirshabelle (SEIT) ayaa shahaadada Murashaxnimo gudoonsiiyay Murashaxiinta ku tartamaya kursiga HOP#030.

Murashaxiinta shahaada la gudoonsiiyay ayaa kala ah :1. Daahir Amiin Jeesow 2. Cali Cabdullahi Xeefow. Doorashada kursiga ayaa la filayaa in ay qabsoonto Maalinta Bari oo ah 10/03/2022.”

Beledweyne oo ah deegaan doorashada labaad ee HirShabeelle waxaa ka taagan is qab-qabsi siyaasadeed oo xoog leh, kaas oo salka ku haya doorashada kuraasta qaar.

Xildhibaan Cabdirisaaq Jindi oo ka mid ah xubnaha u sharaxan mid ka mid ah kuraastaan doorashadooda la hakiyey ayaa xalay sheegay in madaxweyne Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed ay u cadeeyeen nin doorashada kuraastaas aan dib loo dhigi doonin.