FIQI oo ku dhowaaqay in uusan markale isku sharxeyn kursiga HOP#38 + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada ugu caansan baarlamanka muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa ku dhowaaqay inaanu mar kale u tartamni doonin kursiga HOP#38 ee uu ku fadhiyo.

Fiqi ayaa shanti sano ee lasoo dhaafay ka mid ahaa xildhibaanada sida weyn u mucaaradsan madaxweyne Farmaajo, waxayna dhowaan isku dhaceen madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor. Kursiga HOP#38 ayaa yaalla Gaalkacyo.

Hoos ka aqriso qoraal uu soo saaray Fiqi

Waxaa maalmihii la soo dhaafay oo dhan xiriiro kala duwan ila soo sameeyey asxaab badan iyo qaar ka mid ah taageerayaashayda, gaar ahaan arrinta la xiriirta u tartamidda kursiga HOP#038 ee aan ku fadhiyey.

Marka koowaad waxaaan u mahadcelinayaa asxaabtayda iyo qaraabadaba, waxaana rabaa inaan la wadaago inta aan ogeyn inaanan u tartamayn kursigaas saandkaan arrimo ii gaar ah awgood iyo anigoo naftayda u Quuri waayey in aan hoos-fariisyo geed dullinomo kursi-doon awgii iyo dhanka kale siyaasaddu in aysan ahayn oo kaliya barlamaanka oo xubin laga noqdo.

Waxaan kursigaas ku matalayey barlamaankii 10-aad dad iyo deegaankii ii soo igmaday iyo qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna kursigaasi ahaa mid tilmaaman, lagu matalayey aqoon, aragti siyaasadeed oo xor ah iyo dulqaad, waxaana ka mid ahaa xildhibaanadii fara ku tiriska ahaa ee kaligitaliska tooshka ku ifiyay inta uusan ficilooyinkiisii gurracnaa la soo bixin. Wuxuu ahaa kursi lagu ilaaliyo Soomaalinimada, qaddiyadaha umadda Soomaaliyeed u taagan yihiin iyo mid lagu saxo taliska Villa Somalia.

Waxaan deegaankii iyo dadkii aan ku malatlayey ee Cabdalle Sacad uga mahadcelinayaa wadashaqaynta, walaaltinimada iyo dulqaadka ay ii muujiyeen mudadii aan ku matalayey kursigaas, Anigoo soo dhowaynaya in afarta sano ee soo socotana ay u doortaan (ee aan loo doorin) qof si sharaf leh ku matala, ilaalinaya magacooda, isla markaana qeyb ka noqda dabaysha isbedelka ee dalka ka socota.

Wabillaahi Tawfiiq.