Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka QM u qaabilsan Arrimaha Somalia Michael Keating ayaa canaan kala duldhacay Madaxda maamulka Galmudug.
Michael, ayaa jeediyay canaantaasi kadib markii magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug uu kula kulmay Madaxweynaha maamulkaasi C/kariin Guuleed iyo qaar kamid ah Madaxda maamulka.
Michael, ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay u sheegay inaysan aqbali doonin xubnaha dhawaan laga soo doortay magaalada Cadaado ee la carabaabay in lagu soo doortay hab Musuq-maasuq.
Michael, waxa uu Madaxdaasi hordhigay kala doorashada laba arrin midkood waxa ayna kala yihiin in Xubnahaasi banaanka looga saaro Liiska Xildhibaanimo ama in dib loogu soo celsho doorashada.
Michael, waxa uu Madaxdaasi siiyay muddo kooban inay ku kala doortan labadaasi qodob.
Michael Keating ayaa dhawaan soo bandhigay ilaa Todobo mas’uul oo dhawaan kusoo baxay Aqalka Hoose ee Baarlamanaka Somalia, kuwaasi oo lagu sheegay inay musuqeen codadka.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa dhawaan sheegay in Beesha Caalamka waxba ka khuseen arrimaha doorashooyinka Galmudug.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]