Xog: Kenya oo wadda qorsho ay ciidamadeeda uga saareyso Somalia

Nairobi (Caasimada Online)  –Dowlada Kenya ayaa lagu wadaa in dhawaan ay ciidamadeeda kala baxdo Somalia, gaar ahaan Saldhigyada ay kaga sugan yihiin Gobolada Jubbooyinka.

Qorshahaani ayaa la sheegay inay isla wadaan Madaxweynaha Kenya iyo Xubno ka tirsan Xisbiga Mucaaradka oo shuruud ka dhigay in ciidamada Kenya laga soo saaro Somalia.

Saraakiil ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee uu ka tirsan yahay Raila Odinga ayaa sheegay in Uhurro Kenyatta lagu xiray shuruudo badan oo ay kamid tahay in ciidamada Kenya laga soo saaro Somalia.

Sargaalkan ayaa sheegay in shuruudaha ay yimaaden kadib markii Kenyatta uu dalbaday in la raaco natiijada doorashada maadaama ay doorashada kale ku baxeyso dhaqaale xoogan.

Uhurro Kenyatta ayaa suuragalinta qodobkan kala tashanaaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladiisa iyo xubno ku Xisbi ah.

Xisbiga mucaaradka ayaa qodob ka dhigta in Somalia laga soo saaro ciidamada Kenya oo intooda badan ka howlgala G/Jubbooyinka.

Si rasmi ah looma oga xiliga ay dowlada Kenya hirgalineyso qorshaha ciidamada looga saarayo Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com