Xog: Kheyre iyo Imaaraadka oo kawada hadlay arrinta CC Shakuur?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa weli ku guda jira howlo shaqo oo uu ku tagay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa saacadihii ugu danbeeyay kulan uu albaabada u xirnaa la qaatay dhaxal sugaha Imaaraada Abu Dhab ahna ku-xigeenka Taliyaha guud ee ciidamada Qalabka sida Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan.

Ra’isul wasaare Kheyre iyo Sheekh Maxamed Bin Zayed ayaa si qoto dheer uga wadahadlay arrimaha Somalia, Dhaqaalaha, Ganacsiga, Amniga, Isgarabtaaga iyo arrinta CC Shakuur oo xubin ka ah Siyaasiyiinta Mucaaradka ee sida dhow ula shaqeeya dowlada Imaaraadka Carabta.

Kheyre ayaa Sheekh Maxamed Bin Zayed u sheegay in Somalia ay ku taameyso inay dib ula soo noqoto dhinacyada Dhaqaalaha, Ganacsiga, Madax-banaanida  iyo Amniga oo uu sheegay in ilaa iyo xad ay wax muuqda ka qabteen.

Waxa uu Kheyre u sheegay Sheekh Maxamed Bin Zayed inay muhiim tahay in Imaaraadka uu kaalin muuqda ka qaato Amniga, isla markaana ay Somalia u madax-baneeyaan Xoriyadeeda.

Intaa kadib Ra’isul wasaare Kheyre iyo Sheekh Maxamed Bin Zayed. ayaa isla soo hadalqaaday arrinta CC Shakuur iyo xanibaada ay weli ku heyso dowlada Somalia, waxa uuna Sheekh Maxamed Bin Zayed ka dalbaday Ra’isul wasaaraha in cadaadiska Siyaasadeed ay ka qafiifiyaan CC Shakuur.

Sheekh Maxamed Bin Zayed, waxa uu Kheyre usoo jeediyay in CC Shakuur laga dulqaado xanibaada dhanka Safarka, Koontaroolka dhaqdhaqaaqyadiisa iyo in loo madaxbaneeyo wixii aragtidiisa Siyaasadeed.

Sheekh Maxamed Bin Zayed, waxa uu sheegay in CC Shakuur ay u arkaan inuu yahay mid ay u muuqato siyaasad degan, hase ahaatee uu dayacan yahay.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Sheekh Maxamed Bin Zayed u sheegay in arrinta CC Shakuur ay tahay mid u taal dowlada Somalia, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Xubno gudiyo ah oo loo xilsaaray arrimaha uu ku eedeysan yahay, balse waxa uu u ballanqaaday in xal laga gaari doono.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa dhaqaale xoogan ku bixisa Siyaasiyiin ku eedeysan danbiyo kala duwan oo ay ka galeen Qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, Talaabooyinka Imaaraadka ee Somalia ayaa u muuqaneysa mid lagu cuuryaaminaayo awoodaha dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com