Sacad Xariiri oo looga yeeray dalka Sacuudiga tan iyo markii uu is casilay kadib

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay baahiyeen wakaaladaha wararka adduunka waxaa magaalada Riyadh gaaray Ra’isul wasaraha dalka Lubnaan sacad Xariiri.

Sacad Xariiri, ayaa magaalada Riyadh ku gaaray safarkii ugu horeeyay oo uu halkaasi ku tago tan iyo markii bishii Novembar ee sanadkii hore uu sheegay inuu iscasilay ka hor inta uusan go’aankaasi ka laaban markii uu dib ugu laabtay dalkiisa.

Sacad Xariiri, ayaa waxaa magaalada Riyadh kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Sacuudiga, waxaana ujeedka lagu sheegay mid ku xeeran arrimo Siyaasadeed.

Sacad Xariiri, oo aan booqashadaasi aheyn mid rabitaankiisa ah ayaa waxaa ku cadaadinaaya dowlada Imaaraadka Carabta oo xulafo la ah Sacuudiga.

Dowlada Sacuudi Carabiya ma rabto in Lubnaan ay raacdo waddada Ciraaq, “oo ay falanqeeyayaasha qaarkood u arkaan in lubnaan ay tahay wadan laga maamulo Iiraan.

Dhinaca kale, Sacuudiga ayaa la sheegay in xiligaan ay diyaar u tahay inay hagaajiso xiriirka kala dhexeeya Lubnaan, waxa ayna arrin khatara u aragtaa in Lubnaan ay cagta saarto dhabaha ay Ciraaq martay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com