Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Siyaasiyiin kasoo jeeda Beesha Murusade ayaa sheegaya inuu fashil kusoo idlaaday kulan dhexmaray Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre iyo waxgaradka Beesha Murusade.
Ilo wareedyada xogtan nala wadaagay, ayaa xaqiijiyay in Kheyre uu ku guul darreystay in Beesha Murusade uu ku qanciyo in dilka Taliye ku-xigeenkii NISA ee Gobolka Banaadir uu ahaa mid ku dhacay si kam ah.
Ra’isul wasaare Kheyre oo isagu doonaayay inuu qaboojiyo xiisada ka dhalatay dilka Taliyaha iyo Ilaaladiisa oo kasoo wada jeeda Beeshiisa ayaa ku guul dareystay, kadib markii laga dalbaday inuu ka dhexbaxo labada dhinac ee dilka uu ka dhex dhacay.
Mid kamid ah mas’uuliyiinta ka qeybgashay shirka fashilka kusoo dhamaaday ayaa yiri ”Dabcan Ra’isul wasaaruhu waa mas’uul Qaran kana soo jeeda Beesha ay dhibta gaartay waxa uu xooga saarayaa sida lagu xalin lahaa dhibta dhacday maadaama reerka Taliye ku-xigeenka iyo ilaaladiisa la dilay ay dalbanayaan in leysla aaso meydka”
”Kheyre waxa uu isku dayay in waxgaradka Beesha uu ku qanciyo xitaa inuu isaga bixinaayo diyada Taliye xigeenka iyo Ilaaladiisa halka mar la wada dilay, balse waxaa diiday arrintaasi Beesha oo iyagu Kheyre u cadeeyay inuusan aheyn shaqsi kasoo jeeda Beesha dilka geystay”
”Beeshu waxa ay ku adkeysaneysaa in mar qura lawada aaso Meydka Taliye xigeenkii hore, Ilaaladiisa iyo kuwa dilka geystay ee hadda ku jira gacanta dowlada”
Sidoo kale, Mas’uulkaan ayaa sheegay in muddo Seddex jeer uu fashilmay kulan ay isugu yimaadeen Ra’isul wasaare Kheyre iyo Reerkiisa, sababo la xiriira isfahan’waa ka dhashay qaabka uu Kheyre ula hadlay waxgaradka.
Si kastaba ha ahaatee, Meydka Marxuumka iyo Ilaaladiisa ayaa iminka ku jira qaboojiye yaalla Villa Somalia, halkaa oo lagu sii heyn doono inta laga gaaro xal, waxaana beesha Murusade dalbaneysaa in loo dilo taliye Xasan Jiis, oo dilkan loo haysto.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]