Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa ku howlan xil ka qaadis iyo magacaabid tan iyo markii la dhaariyay Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.
Xil ka qaadista ugu badan ayaa la sheegay inay ku foorarto beelo gaar ah, halka magacaabida ay tahay mid looga faa’iideynayo beelo aan xiligii hore heysan kuraas muuqata.
Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa loo jeediyay dhaliisha ugu badan, maadaama xilalka ugu badan ay yihiin kuwo laga magacaabo xafiiskiisa.
Kheyre ayaa waxaa lagu dhaliilayaa in magacaabida xilalka uu u weeciyay dhanka Beeshiisa, iyadoo labadii bil ee ugu danbeysay uu ahaa mid qancinaaya gaar ahaan Beesha uu kasoo jeeda, sida ay aaminsan yihiin beelaha dhaliisha ka qaba hanaanka magacabida.
Kheyre ayaa tan markii loo magacaabay xilka Ra’isul wasaarenimo wareegtooyin la shaaciyay ku qancinaayay Beeshiisa, iyadoo inta badan uu ku safay xilal dhowr ah, oo la rumeysan yahay inay ku haboon yihiin Beesha uu kasoo jeedo, sida ay qabaan beelaha kale.
Nabadoon Maxamuud Cusmaan oo kamid ah Nabadoonada looga danbeeyo xalinta Khilaafadka ayaa sheegay in Ra’isul wasaaraha uu ka dheereeyay xadkii loogu tallo galay, waxa uuna aad u dhaliilay sida uu u wado howsha.
Nabadoonka ayaa sheegay in Kheyre laga doonaayo in xilalka uu ka simo Beelaha Soomaaliyeed, waxa uuna iska fogeeyay inuu kasoo horjeedo Beesha Ra’isul wasaaraha balse uu doonaayo in si siman loo qeybiyo xilalka.
”Waxaan Ra’isul wasaaraha uga fadhinaa inuu bal dib u eego Beelaha kale, waxaan filayaa inuu ku mashquulay Beeshiisa”
Sidoo kale, dhaliisha loo jeedinaayo Ra’isul wasaaraha ayaa dhinacyo badan ka shabaheysa dhaliilo horay loogu jeediyay Ra’isul wasaarihii hore ee dalka Cumar C/rashiid, kaa oo inta badan xilalka muhiimka ah u weecin jiray Beeshiisa.
Cumar C/rashiid ayaa lagu xasuustaa inuu isku howli jiray qancinta Beeshiisa mudada uu hayay xilka Qaran, waxa ayna taa calool gadisay beelo dhowr ah oo ka gadoodsanaa hanaanka kursi qeybinta.
Si kastaba ha ahaatee, Kheyre ayaa loogu baaqay inuu u cadaalad falo dhamman Beelaha Soomaaliyeed ee xaqa u leh awood qeybsiga.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]