Xog: Kheyre oo Wasiirkiisii Amniga xildhibaan Ducaale u dhiibay xil muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo hada kamid ah Midowga musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in wasiirkii amniga Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale u dhiibay xil muhiim ah.

Maxamed Abuukar Islow oo ay saaxiibo dhow ahaayeen Xasan Cali Kheyre ayaa noqday madaxa olalaha ee musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyrre. Si gaar ah waxa uu qaabilsan-yahay ka dhaadhaacinta siyaasiinta in ay taageeraan Musharax Xasan Cali Kheyre.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in howshaan badankeeda laga dhax-raadin doono Xildhibaano imaan doono islamarkaana haddii uu soo laabta Xildhibaan Ducaale uu qaban doono qeybta ugu muhiimsan ee shaqadaan maadaama la rabo inuu codad ka raadiyo Xildhibaanada soo socda.

Maxamed Abuukar Islow oo wasiirka amniga Soomaaliya ahaa mudadii ay jirtay xukuumada Xasan Cali Kheyre saaxiib dhow la ah Xasan Cali Kheyre, waxa uuna kamid ahaa wasiiro tiro kooban oo aan xil ka qaadis lagu sameynin islamarkaana si weyn u difaacay maalintii xil ka qaadistiisa.

Ducaale ayaa laga reebay xukuumaddii uu soo dhisay ra’iisul wasaare Rooble, sababo la xiriira inuu aad ugu dhow yahay Kheyre, waxaana lagu beddelay Xasan Xundubey oo ay isku beel yihiin.

Ducaale ayaa la sheegaa inuu yahay nin aad u degan, hadal gaaban, oo aan galgal badneyn, taasi oo su’aal gelineysa xeeladda ololaha Kheyre iyo sida uu u filayo in qof aan siyaasad ahaan laheyn xulufo badan uu codad ugu soo dhicin doono.