Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia soo gaaray Guddoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe ee Somalia, Yusur Aadan Abraar oo waayadan ku nooleyd dalka dibadiisa.
Yusur Aadan Abraar, ayaa la xaqiijiyay inuu u yeeray Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Kheyre, waxaana lagu wadaa inay kamid noqoto shaqsiyaadka xilalka loo dhiibi doono.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Yusur Aadan Abraar loo magacaabi doono xilka Wasiirka Maaliyadda ama Qorsheynta Qaranka, halka warar kaa ka duwan ay sheegayaan in dib loogu celin doono Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Somalia.
Xilalka la saadaalinaayo in loo dhiibi doono Yusur Aadan Abraar, ayaa waxaa sidoo kale kamid ah Madaxa Guddiga Qaranka ee la-dagaalanka Musuqa.
Yusur Aadan Abraar, ayaa horay usoo noqotay Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somalia, iyadoo xilkaasi loo magacaabay Bishii September 13-dii ee sannadkii 2013-kii.
Yusur ayaan ku nagaan xilka Guddoomiyaha Bangiga Dhexe waxa ayna iska casishay bishii October 30-dii ee isla sannadkaasi.
Yusur ayaa sheegtay inaysan awoodin xilka Guddoomiyaha kadib markii ay sheegtay in shaqada Bankiga ay tahay mid aasaas u ah Musuq-maasuq xad dhaaf ah.
Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa horay u sheegay in Dowladiisa ay xilal ka qaban doonaan shaqsiyaadka ka dhowrsan Musuqa iyo Xatooyada Qaranka.
Dhinaca kale, waxaan si dhab ah loo ogeyn xilka uu Ra’isul wasaaraha Qaranka Xasan Kheyre u magacaabi doono Yusur Aadan Abraar oo iminka xaadir ku ah Magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]