Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay aad u dhaliilsan yihiin dowlada Federaalka ah ee Somalia, kadib markii ay is hortaagtay in heshiis laga gaaro muranka qeybsiga Khayraadka dalka.
Maamulka ayaa sheegay in eeda ugu badan ay usoo jeedinayaan wasaaradda beeraha dowladda Soomaaliya oo iyadu si cad ugu xadgudubtay heshiis wadajir ah oo ay wada sixiixeen wasaaradda beeraha DFS iyo Maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe.
Wasiirka Maaliyadda Jubaland C/rashiid Jire Qalinle, ayaa sheegay in DFS ay ka talaabeyso Heshiiskii ay wada galeen, waxa uuna arrin layaab leh ku sheegay inay diiday qeybsiga Khayraadka dalka.
Wasiir Qalinle, ayaa sheegay in talaabada DFS ay meel uga dhaceyso Heshiiskii lagu kala saxiixday shirkii ka dhacay Sycheles oo ku saabsanaa ogolaanshaha soo saaridda shatiga kalluumeysiga.
Qalinle, waxa uu intaa raaciyay in Heshiiskaasi uu ahaa mid ay si wada jira u saxiixeen dhammaan Maamul goboleedyada.
Waxa uu intaa sii raaciyay in DFS ay markii hore lahayd hindisaha heshiiska ay ka laabatay dhammaan qodobadii la sixiixay.
Wasiir Qalinle waxa uu cadeeyay in wasaaradda beeraha DFS uu beeniyay Heshiiska markii laga soo laabtay Sycheles, iyadoo cadeyn loo hayo in Heshiiskaasi uu ku qanacsanaa Wasiirka beeraha.
Sidoo kale, Wasiir Qalinle ayaa si cad u sheegay in Jubbaland ay weli ku taagan tahay mowqifkeeda, balse DFS aysan xasuusan saxiixyadii ay ku sameysay Heshiiskii ka dhacay Sycheles.
Si kastaba ha ahaatee, haddalka Jubbaland ayaa kusoo beegmaaya xili dhawaan Wasiirka kalluumeysiga iyo khayraadka badda DFS C/raxmaan Max’ed Cabdi Xaashi shaaciyay in uu burburay heshiis ku saabsanaa qeybsiga dakhliga kalluumeysiga Tunna ee u dhexeeyay dowlada iyo maamul Goboleedyada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]