26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xog: Caqabado intee la’eg ayaa K/G kasoo gaartay khilaafka Jawaari iyo Shariifka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa wali taagan Khilaaf Siyaasadeedka u dhexeeya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Khilaafka labada Mas’uul oo wali taagan ayaa waxa uu markiisii hore ka dhashay Hanaanka xilalka loogu qeybinaayo beelaha dega Koonfur Galbeed, waxaana xusid mudan in mid waliba uu doonaayay in isaga looga danbeeyo keenista iyo bixinta xilalka.

Guddoomiye Jawaari ayaa doonaayay in Xilalka loogu tallo galay Koonfur Galbeed lasoo mariyo, si uu ula imaado shaqsiyaadka xilalkaasi munaasibka ku ah ee saaxiibada dhow la ah.

Shariif Xasan ayaa isaguna u taagnaa in DFS uu kala wareego xilalka loogu tallo galay Beelaha degan Koonfur Galbeed, waxa ayna taa keentay Khilaaf daba dheeraaday oo ka dhex curta Jawaari iyo Shariif Xasan.

Khilaafka labada Mas’uul ayaa saameyn ku yeeshay Xildhibaanada BFS ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed, waxaana lasoo sheegayaa inay u kala jabeen laba garab.

Xildhibaanada qaar ayaa ku xiran Guddoomiye Jawaari, halka qaarna ay yihiin kuwo ku xiran isla markaana ka shidaal qaata Hogaamiyaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaan iminka ka dhexeen wax xiriir ah, waxa ayna bilaaben in garab waliba ay iyaga un wada qaatan kulamada iyo wada sheekeysiga.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan wali xal loo helin Khilaafka Jawaari iyo Shariif Xasan, waxaana hubaal ah in dib usoo celinta xiriirka Xildhibaanada BFS ee Konfur Galbeed uu yahay mid ku xiran Heshiis dhexmara Jawaari iyo Shariif Xasan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News