Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed oo ay wadaan Siyaasiyiin, Saraakiil iyo waxgarad ka tirsan Ururka Aalla Sheekh ee horay usoo hogaamiyay Siyaasada dalka Somalia.
Dhaqdhaqaaqani ayaa waxaa magaalada si xooli ah looga dareemayaa Labadii asbuuc ee la soo dhaafay kaasi oo ay ku muujinayaan cududooda Siyaasadeed, waxa ayna kulamo kala duwan ku qaadanayaan inta badan Hoteelada Magaalada Muqdisho.
Ujeedkooda ayaa ah wacyi galinta Bulshada iyo dib usoo nooleynta Siyaasadooda oo mudooyinkii dambe aan ka muuqan dalka Somalia.
Siyaasiyiin ka tirsan Kooxda oo si hoose noogu sir waramay, ayaa xaqiijiyay inay wadaan Siyaasado ay ku muujinayaan kusoo laabashada Siyaasada dalka, waxa ayna tilmaamen in rajadooda ugu weyn ay tahay inay isu soo taagan doorashooyinka 2016-da ka qabsoomi doono Magaalada Muqdisho.
Waxa ay sidoo kale, sheegen inaysan jirin sharci ama nidaam ka maanacaaya inay mar labaad Siyaasada dalka dib ugu soo celshaan gacantooda, sida ay hadalka u dhigeen.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

