Xog ku saabsan haweeney saaka lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo saaka dabley hubeysan ay ka geysatay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay mid ka mid ah xaafadaha degmadaasi, waxaana loo geystay haweeney magaceeda lagu soo koobay Suldaano.

Wararka ayaa sheegaya in haweeneydaasi ay la shaqeyneysay maamulka degmada Karaan, isla-markaana ay ka tirsaneyd guddiga xalinta khilaafaadka maxkamadda degmadaasi.

Kooxihii ka dambeeyey toogashada marxuumadda ayaa goobta isaga baxsaday, kadib dhacdadaasi, sida ay goobjoogayaal u sheegeen Shabakadda Caasimada Online.

Sidoo kale waxaa meesha uu dilku ka dhacay daqiiqado, kadib gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Ma jiro sidoo kale weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Kaaraan oo ku aadan falkaasi dilka ah.

Waa dilkii labaad ee saacado gudahood ka dhacaya Muqdisho, waxaana xalay degmada Dayniile kooxo hubeysan ay ku dileen guddoomiye waaxeed ka tirsanaa degmadaasi.

Si kastaba maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha caasimada ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida dilal qorsheysan iyo qaraxyo geystay khasaare kala duwan.