Caddeymo: Musuq-maasuq xooggan oo ka jira maamulka Gobalka Banaadir (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay Dokumentiyo caddeynaya musuq maasuq xoog leh oo ka jira maamulka Gobalka Banaadir, kaasoo soo billowday bilo ka hor. 

Xogtaan oo aan ka helnay xafiisyo ka tirsan Maamulka Banaadir iyo Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka ayaa soo bandhigeysa in maamulka Gobalka uu xiray Akoonkii saxda ahaa ee lagu shubi jiray canshuurta Maamulka Gobalka Banaadir, kaas oo ahaa Acc. No, 799. 

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa muujineysa in maamulka uu Banki gaar loo leeyahay ka furay laba akoon oo cusub loona wareejiyay dhamaan dakhliga dowladda Hoose ee Xamar ka qaado dadka Muqdisho. 

Akoonka gobalka oo ahaa mid guud, islamarkaana maamul kasta ku shaqeeya lana ogaa dhaq dhaqaaqiisa ayaa la xiray 10-kii bishii 5-aad ee sanadkaan, waxaana lagu badalay akoonada ay nambaradooda kala yihiin 31935449 iyo 31551472. 

Labadaan akoon ayaa mid kamid ah waxaa lagu shubi doonaa lacagta gaadiidka BL-ka iyo lacagta gaadiidka Bajaajta ah, halka kan kalane la amray in lagu shubo lacagta ee canshuuraha sida guryaha, dad dhigista iyo waxyaabaha kale oo ay qabato dowladda Hoose. 

Akoonkii maamulka Gobalka Banaadir ee 799 ayaa lagu xiray amar ka soo baxay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, waxaana heshiis ku ahaa isaga iyo ku xigeenadiisa. 

Dhinaca kale, Caasimada Online ayaa heshay warqad kale oo digniin ah oo ka soo baxday xafiiska Hanti-dhowrka guud Qaranka, taasoo lagu amrayay maamulka Gobolka in ay joojiyaan xerida akoonkii saxda ahaa ee gobolka Banaadir. 

Warqadaan oo ay heshay Caasimada Online ayaa soo baxday 23-kii bishii 5-aad ee sanadkaan, waxaana ku saxiixnaa Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali Afgooye, isagoo sidoo kale digniin u diray guddoonka goboka Banaadir kana digay cawaaqib xun oo ka dhalan kara. 

Digniinta Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka ayaa la sheegay in aysan keenin wax isbeddal ah, islamarkaana ilaa hadda lagu shaqeeyo akoonada gaarka ah. 

Caasimada Online ayaa sidoo kale heshay sababta loo xiray Akoonkii hore ee gobolka. Sida aan hore u baahinahay, maamulka Gobolka Banaadir waxay isku dhaceen shirkad caalami ah oo ka caawin jirtay kontaroolka Canshuurta Gobolka kadib markii lacag badan lagu yeeshay. 

Shirkadaan oo xariir la leh World Bank iyo hay’adda IMF ayaa la shaqeyn jirtay wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir,  waxaana lagu shaqeyn jiray System sahli kara in lala socda dhaq dhaqaaqa akoonada danta guud, waxaana barnaamijkaas lagu magacaabaa PFM oo laga soo gaabiyay Public Finance Management. 

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale heshiis la galay shirkad kale oo gaar loo leeyahay taasoo qaadan doonto 25% lacagta soo xaroota, waxaana la sheegay in arrimahan oo dhan ay dhaawac weyn ku noqon doonaan barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya oo qeyb kala socday System-kii hore ee PFM, kaasoo uu ka soo guuray maamulka Gobalka Banaadir. 

Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada ay arrintaan quseyso, waxaana jira guux badan oo ka socda gudaha gobolka Banaadir ah.