DF oo TURKIGA u gudbisay dalab la xiriira ciidamada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ka qeyb-galay shirkii Diblumaaasiyada ee ka furmay magaalada Antalya ee dalka Turkiga ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay dhigiisa dalka Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xiriirka labada dal, fursadaha iskaashiga labo geesoodka ah ee ka dhaxeeya Turkiga iyo Soomaaliya iyo sidoo kale wada-tashiyo ku saabsan arrimaha danta guud.

Intii uu socday kulanka ayaa waxa uu wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ka dalbaday dolwadda Turkiga kordhinta tobabarka ay siiso ciidamada dowladda Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale waxay si qoto dheer u lafo gureen qaababka loo taageeri karo iskaashiga dhinacyada badan leh ee ka dhaxeeyay labada dal ee walaalaha ah, si loo waafajiyo hiigsiga labada dal.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xiligaan waxaa ka dhaxeeya xiriir saaxiibtinimo oo heer sarre ah, waxayna dowladda Ankara ka taageerta dowladda Soomaaliya la dagaalanka argagixisada, ayada oo ciidamo faro badan u tobabartay dowladda, kuwaasi oo qaarkood laga muujiyey cabasho.