Laascaanood (Caasimada Online) – Ciidanka Booliiska Qeybta Gobolka Sool ee maamulka Waqooyi Bari ayaa howlgallo ay ka sameeyeen magaalada Laascaanood ku soo qabtay saddex gabdhood oo lagu eedeeyay inay taageero u muujiyeen xuska Somaliland ee 18-ka May, isla markaana muuqaallo ay iska duubeen ku baahiyeen baraha bulshada.
Gabdhaha la qabtay ayaa kala ah Ismahaan Maxamed Maxamuud Ina Hinda Aadan Maxamuud oo 21 jir ah, Salma Jaamac Yuusuf Axmed oo 18 jir ah iyo Faadumo Yuusuf Axmed Geelle oo 27 jir ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay adeegsadeen astaamo la xiriira Somaliland, isla markaana muuqaallo taageero ah ku faafiyeen TikTok, WhatsApp iyo baraha kale ee bulshada.
Ciidanka Booliiska ayaa sheegay in Ismahaan Maxamed Maxamuud lagu soo qabtay howlgal ay ciidamada iyo shacabka iska kaashadeen, kadib markii bulshada ay laamaha ammaanka la wadaageen xog ku saabsan goobta ay ku sugneyd.
Booliiska ayaa sidoo kale sheegay inay hayaan muuqaallada iyo astaamaha ay eedeysanayaashu ku baahiyeen baraha bulshada, kuwaas oo la xiriiray xuska 18-ka May iyo taageero loo muujinayay Somaliland.
War kasoo baxay Ciidanka Booliiska Qeybta Gobolka Sool ayaa lagu sheegay in saddexda gabdhood ay haatan ku jiraan gacanta hay’adaha ammaanka, isla markaana la horgeyn doono maxkamad si loogu qaado dacwad la xiriirta falalka lagu eedeeyay.
Ciidanka ayaa carrabka ku adkeeyay in cid kasta oo ku kacda falal lid ku ah amniga, xasilloonida bulshada iyo “dhiigga shuhadada” lala tiigsan doono sharciga, iyagoo xusay inaan loo dulqaadan doonin falalka ay ku tilmaameen kuwo dhaawacaya wadajirka bulshada.
Booliiska Gobolka Sool ayaa sidoo kale digniin u diray dhalinyarada, iyagoo uga digay inay ku lug yeeshaan falal ay sheegeen inay hurin karaan xiisado bulshada dhexdeeda ah, isla markaana wax u dhimaya nabadda iyo xasilloonida deegaanka.
Ugu dambeyntii, Ciidanka Booliiska ayaa shacabka iyo waalidiinta ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, kana qeyb qaataan ilaalinta amniga iyo ka hortagga falalka ay ciidamada ku tilmaameen kuwo lidi ku ah xasilloonida iyo wadajirka bulshada.

