29.9 C
Mogadishu
Monday, May 18, 2026

Yaxaaskii la dilay: Casharka qarsoon ee siyaasadda maanta iyo joogitaanka Xasan

By Cabdiraxmaan Muxiyadiin
Bookmark
Bookmarked

Share

Siyaasadda Soomaaliya maanta ma aha meel lagu tijaabiyo dareen iyo nacayb, balse waa meel u baahan go’aan miyir leh iyo aragti fog. Inkasta oo ay jiraan mucaarad si weyn uga soo horjeeda hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, haddana waxaa muuqata in aysan lahayn qorshe midaysan oo ka baxsan hal shay oo ah in xilka laga tuuro madaxweynaha.

Taasi waxay dhalinaysaa su’aal halis ah: Ma dalka ayaa la badbaadinayaa, mise waxaa la furayaa albaab horseedi kara jahwareer siyaasadeed oo ka daran midka hadda jira? Si loo fahmo macnaha arrintan, aan dib ugu laabanno sheeko xambaarsan xikmad qoto dheer.

Beri ayaa waxaa jirtay tuulo ay ku noolaayeen beeraley iyo xoolo-dhaqato, kuwaas oo si weyn ugu tiirsanaa webi ay biyaha ka cabbaan, xoolahana ka waraabiyaan. Webigaas waxaa ku noolaa yaxaas aad u weyn oo mararka qaar dadka iyo xoolahaba cuni jiray. Cabsi joogto ah ayaa hareysay tuulada, noloshii caadiga ahaydna waxay gashay qalqal.

Markii dhibaatadu cirka isku shareertay, waxgaradkii tuulada ayaa shir isugu yimid si ay xal uga gaaraan. Qaar waxay soo jeediyeen in yaxaaska la dilo, halka qaar kalena ay ku doodeen in gebi ahaanba laga guuro tuulada. Intii dooddu socotay, waxaa halkaas joogay nin marti ah oo la oran jiray Baxaar Cali, kaas oo soo jeediyay aragti ka duwan kuwii kale. Wuxuu yiri:

“Ma ka fikirteen waxa ka dhalan kara haddii aad dishaan? Mararka qaar, hal khatar oo la yaqaan ayaa ka roon khataro badan oo aan la ogeyn.”

Ugu dambeyn, dadkii tuulada waxay isku raaceen xal dhexdhexaad ah: in yaxaaska maalin kasta loo qoondeeyo hal neef oo lo’ ah si uu uga haro dadka. Go’aankaas wuxuu keenay xasillooni, dadkiina waxay heleen nabad ay ku noolaadaan, inkasta oo ay bixiyeen qurbaan joogto ah.

Muddo kadib, dadkii waxay ka daaleen bixinta lo’da maalin kasta. Waxay mar kale isugu yimaadeen shir, iyaga oo go’aansaday in la dilo yaxaaska si ay uga baxaan culayskaas. Iyaga oo aan si qoto dheer uga fiirsan cawaaqibka, ayay tallaabadaas qaadeen, yaxaaskiina waa la dilay.

Laakiin wixii xigay ayaa noqday musiibo ka weyn tii hore. Muddo yar gudaheed, tuulada waxaa soo weeraray yaxaasyo badan oo aad uga halis badnaa kii hore. Waxay bilaabeen inay si aan kala sooc lahayn u cunaan dadka iyo xoolaha. Khasaaro weyn ayaa dhacay, cabsi cusub oo ka daran tii hore ayaana timid. Dadkii tuulada waxay garteen khaladkooda, balse goor dambe ayay ahayd.

Ugu dambeyn, tuuladii waa laga guuray. Sheekadan waxay si cad u muujinaysaa in mararka qaar go’aan degdeg ah oo lagu doonayo xal sahlan uu keeni karo dhibaato ka weyn midda la xallinayay. Halista la yaqaan mararka qaar waxay ka fudud tahay mid aan la garanayn.

Marka loo soo celiyo xaaladda maanta, haddii aan la helin aragti midaysan iyo qorshe cad oo lagu maareeyo mustaqbalka dalka, waxaa dhici karta in meesha laga saaro hal hoggaan oo jira, balse ay soo baxaan hoggaanno badan oo aan la xakameyn karin, mid walbana dano gaar ah wata. Sidaas darteed, dood kasta oo ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed waa in ay ka weynaataa qof iyo nacayb, una gudubtaa qorshe iyo aragti midaysan.

Ugu dambeyn, casharka yaxaasku wuxuu ina barayaa in hoggaan jira, haddii la dhaliilo, mararka qaar uu bulshada ka badbaadin karo khataro ka weyn kuwa muuqda. Go’aannada siyaasadeedna waa in lagu saleeyaa faham qoto dheer, si looga fogaado khaladaad keeni kara cawaaqib aan laga soo kaban karin.

W/Q: Cabdiraxmaan Muxiyaddin Cali

- Advertisement -

Read more

Local News