Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo bayaan soo saartay ayaa si xooggan u cambaareysay isku day weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lagu bartilmaameedsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kuwaas oo la qabtay, lana burburiyey kadib markii ay galeen hawada dalkaasi.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weerarkaas ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo khatar ku wajahan nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudiga, isla markaana ay aad uga xun tahay isku deyga weerarka arbushaada ah ee la doonayay in laga fuliyo gudaha dalkaasi.
“Soomaaliya waxay markale xaqiijineysaa garab istaaggeeda buuxa ee ay la leedahay Boqortooyada walaalaha ah ee Sacuudi Carabiya, iyadoo muujisay taageeradeeda dhammaan tallaabooyinka lagu ilaalinayo amniga, xasilloonida iyo midnimada dhuleed ee dalkaasi,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Sidoo kale, bayaanka ayaa intaas kusii daray in Dowladda Federaalka ay adkeyneyso in laga hortago weerarrada noocaan oo kale ah ee lagu beegsanayo kaabayaasha muhiimka ah, si loo wiiqo amniga iyo xasiloonida wadajirka ee gobolka.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay adkeyneysaa in weerarrada lagu beegsanayo amniga dowladaha iyo kaabeyaasha muhiimka ah ay wiiqayaan xasilloonida wadajirka ah ee gobolka, isla markaana ay halis gelinayaan sii kordhinta xiisadaha ka jira gobolka,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay is-xakameeyaan, sidoo kale la ixtiraamo sharciga caalamiga ah, iyada oo la xoojinayo dadaallada lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida guud ee gobolka.


