Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirkii hore ee Soomaaliya ee dalka Jabuuti, Amba. Salaad Cali Jeelle oo wareysi gaar ah siiyay Universal Tv ayaa jawaab siiyay agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo dhawaan shaaciyay in lagu dili rabay dalkaas oo horay loogu xannibay, xilligii uu ka tirsanaa dowladdii Farmaajo.
Fahad Yaasiin ayaa tilmaamay in ujeedka loogu xayiray garoonka Jabuuti uu ahaa in la dilo, kadibna la tuuro maydkiisa, isaga oo shirqoolkaas ku eedeeyay Ra’iisul wasaare hore Maxamed Xuseen Roobe iyo dalal Carbeed oo uusan carab baabin.
“Markii leygu xannibaayay Jabuuti waxa ay ahayd mu aamarad uu hogaan u ahaa Ra’isul Wasaarihii xiligaas Maxamed Xuseen Rooble iyo Taliyihii Booliska Jabuuti ee markaas xilka haayay, waxaa amarka bixiya Rooble oo ka shaqeynaayay in ley khaarijiyo kadibna meedkeyga dalalkaas kale lagu tuuro, mashruucaanna waxaa qarash ku bixinaayay qolyo Carab ah, qorshaha ugu wayna waxa ay ahayd in aan Xamar imaanin, waxaana ley daba socday arintii Ikraan Tahliil,” ayuu yiri wareysiga ku yiri Fahad Yaasiin.
Danjire Salaad Cali Jeelle oo wax laga waydiiyay arrintaas ayaa beeniyay eedda Fahad Yaasiin, wuxuuna tilmaamay in Jabuuti aysan ka suurtoobin dilka qof Soomaali ah.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Fahad uu xanaaq ka keenay hadalkaas, balse aysan waxba ka jirin, sida uu ku caddeeyay wareysiga uu bixiyay.
“Xanaaq ayaa ka keenay in Fahad Yaasin uu yiraahdo dowlada Jabuuti ayaa i dili rabtay, suuragalna ma aha in dowlada Jabuuti ay disho qof Soomaali ah,” ayuu yiri Danjire Salaad Cali Jeelle.
Waxaa kale oo uu kusii daray “Lama dhihi karo waqti badan ayaa broblem-kaas jiray wax walba oo looga dan lahaana iyo ujeedada laga lahaaba inta aan laga sal gaarin ayaa la xaliyay”.
Ugu dambeyn, Danjire Salaad Cali Jeelle ayaa si weyn u bogaadiyay dowladda iyo shacabka Jabuuti oo uu tilmaamay in mar walba ay ixtiraam u muujiyaan dowladda Soomaaliyeed, ayna yihiin walaal dhab oo la’isku halleyn karo.

