29.9 C
Mogadishu
Monday, May 18, 2026

Cirro oo maanta sameeyey arrin cabsi xooggan muujineysa

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa maanta si ka duwan sidii looga bartay hoggaamiyeyaashii ka horreeyay uga qeyb-galay munaasabadda 18-ka May oo ka dhacday magaalada Hargeysa.

Cirro oo khudbad u jeediyay shacabka ayaa la arkayay isagoo ka dhex muuqanaya muraayad gaashaaman oo xabbaddu karin. Muuqaalka munaasabadda ayaa muujinayay heer sare oo amni ah, iyadoo si weyn loo xaddiday dhaq-dhaqaaqa warbaahinta iyo shacabka ka qeyb-galayay dabaal-degga.

Warbaahinta madaxa-bannaan ayaa loo asteeyay goobo cayiman oo aysan ka gudbi karin. Sidoo kale, goobta uu khudbadda ka jeedinayay Cirro waxaa ku hareeraysnaa ciidamo si gaar ah u sugayay ammaankiisa, kuwaas oo watay hub culus iyo gaadiid dagaal, halka sidoo kale la sameeyay xariiqyo amni oo looga hortagayay in shacabka ay u dhowaadaan mas’uuliyiinta sare.

Dadka ka qeyb-galay munaasabadda ayaa lagu amray inay joogaan meelo gaar ah oo loo asteeyay, iyadoo ciidamada ammaanka ay si dhow ula socdeen dhaq-dhaqaaq kasta oo ka dhacayay fagaaraha xafladda.

Saraakiisha sida gaarka ah ugu xilsaaran ilaalinta madaxweynaha Somaliland ayaa iyaguna si weyn uga taxaddarayay in loo dhowaado Cirro, kaas oo hore loogu yaqiinay inuu si dhow ula falgalo shacabka marka uu ka qeyb-galayo munaasabadaha waaweyn.

Isbeddelka cusub ee lagu arkay hannaanka amniga Cabdiraxmaan Cirro ayaa hadal-heyn badan dhaliyay, maadaama aan si rasmi ah loo shaacin sababta keentay adkeynta heerkan gaarsiisan ee dhinaca nabadgelyada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa jirtay cabsi amni oo laga qabay in lagu beegsado dabaal-degga 18-ka May, maadaama dhawaan falal amni-darro, oo dilalku ka mid yihiin ay ka dhacayeen magaalada Hargeysa. Madaxtooyada iyo laamaha ammaanka ayaa ka hortagayay in madaxda sare ay noqdaan bartilmaameed furan.

Si kastaba, tallaabooyinkan ayaa kusoo aadaya xilli Somaliland ay xiriir la sameysay Israa’iil, taas oo iyadu sheegtay inay maamulkan u aqoonsatay dal madax-bannaan, waana mid ka mid ah isbeddellada lagu sameeyay amniga madaxweyne Cirro.

- Advertisement -

Read more

Local News