27.2 C
Mogadishu
Tuesday, May 19, 2026

Xogta kulan xasaasi ah oo mucaaradka iyo beesha caalamka ku yeesheen Xalane

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiillada beesha caalamka ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed, xilli ay weli taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay arrimaha doorashooyinka iyo muddo xileedka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa si fogaan-arag ah uga qeyb-galay madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo kamid ah siyaasiyiinta sida weyn uga aragtida duwan Dowladda Federaalka ee ku aaddan hannaanka doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka.

Xogaha laga helayo kulanka ayaa sheegaya in beesha caalamka ay xoogga saareyso sidii dhinacyada siyaasadda Soomaaliya loogu qancin lahaa inay sii wadaan wada-hadallada, si loo gaaro hannaan doorasho oo ay isku waafaqsan yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda dalka.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale Dowladda Federaalka iyo mucaaradka ku boorrisay in laga fogaado tallaabo kasta oo sii hurin karta khilaafka siyaasadeed, iyadoo ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in lagu gaaro heshiis ku saleysan wadatashi iyo is-afgarad siyaasadeed.

Xiisadda taagan ayaa kasii dartay kadib markii Dowladda Federaalka ay si cad u sheegtay in muddo-xileedkeedu yahay shan sanno, doorashaduna noqonayso qof iyo cod kadib markii lagu kala kacay wada-hadalladii Xalane, oo maalmo isku horfadhiyeen madaxda dowladda iyo hoggaamiyeeyaasha mucaaradka.

Mucaaridka ayaa iyaguna dhankooda galay wada-tashiyo ku aadan ka hortagga tallaabooyinka dowladda, iyadoo wakiilada beesha caalamkuna ay dhinacyada ugu baaqayaan inay dib ugu laabtaan wada-hadallada.

Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Jimcihii ku dhawaaqday in dalka uu galay xilligii loo guuri lahaa nidaam dimuquraaddi ah oo ka hana qaada dalka kuna dhisan mabda’a qof iyo cod, kadib markii natiijo la’aan kusoo dhamaadeen wada-hadalladii ka qabsoomay Xalane.

Dowladda ayaa sheegtay in siyaasiyiinta mucaaradka keeneen aragti ka duwan doorasho dadweyne, taas oo ay sheegtay inay ka hor imanayso xuquuqda aas-aasiga ah ee muwaadinka uu u leeyahay in uu wax doorto lana doorto.

“Dowladda waxay la wadaagaysaa shacabka Soomaaliyeed in dalka ay ka qabsoomi doonto doorasho qof iyo cod ah, xor iyo xalaal ah, hufan, isla markaana waafaqsan dastuurka, shuruucda dalka iyo barnaamijka siyaasadeed ee dowladdu ballanqaaday,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in albaabka wada-xaajoodka iyo wadatashigu uu weli furan yahay, iyadoo si cad u sheegtay in aan marnaba laga gorgortami doonin in doorashada lagu celiyo dadweynaha.

- Advertisement -

Read more

Local News