DANAB ‘oo bur-buriyey’ saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen SH/DHEXE

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa maanta howl-gallo ballaaran ka sameeyeey qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle, iyaga oo guullo ka sheegtay.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa ciidamadu waxa ay ku beegsadeen deegaano ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku yaalla gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey in howl-galladaasi lagu burburiyey saldhigyo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ciidanka Danab oo hoggaaminayey dhaq-dhaqaaqyadan ayaa shaaca ka qaaday inay la wareegeen tuulooyinka Gaaleef, War Ciise, Wararaxley, Leba Buraale, Aqab-duco iyo Galgoof oo dhammaan ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ugu dambeyn waxay saraakiishu hoosta ka xariiqeen inay sii wadayaan dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan Shabeelaha Dhexe oo hoostaga maamulka HirShabelle.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi ee ay guulaha ka sheegeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dadka deegaanadaasi ay cabsi ka muujinayaan in dagaalyahanada Al-Shabaab ay soo qaadaan dagaal rogaal celis ah.

Todobaadyadii lasoo dhaafay ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-gallada ka dhanka ah Shabaab ee ay ka wadaan gobolada Shabeelooyinka.