Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya qaban-qaabada shir wadatashi ah oo maantay uga furmaya mas’uuliyiinta sare ee dowladda federaalka iyo madaxda maamul gobolleeyada dalka ka dhisan.
Qaar ka mid ah madaxweynayaasha maamul gobolleedyada ayaa durbaba soo gaaraya Muqdisho, halka kuwa kalana la filayo in ay yimaadaan saacadaha nagu soo foolka leh.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya isla markasna kulankaan shir guddoomin doono ayaa la filayaa in looga hadlo xoojinta xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamullada dalka, arrimaha ammaanka iyo sidii ajenda mideysan looga qaadan lahaa kulanka la filayo in uu dhawaan ka dhaco magaalada London ee dalka Ingiriiska, kaasoo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya, wuxuuna ka shaqeenayaa sidii qorsho mideysan loo horgeyn lahaa shirkaas.
Sidii meesha looga saari lahaa Is bar bar yaaca ka jiro Madaxda Soomaalida ayaa sidoo kale kamid ah ujeedka kulanka dowladda dhexe iyo madaxda maamul gobolleedyada dalka , waxaana muuqata in mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda federaalka ku tirtirsiinayaan hogaamiyayaasha maamul gobolleedyada in shirka iyo ajendaha lala tagayo intaba looga danbeeyo dowladda dhexe, waana hadafka ugu weyn ee dowladda Farmaajo ka leedahay shirkaan.
Shirkaan ayaa noqonayo midkii ugu horreeyey oo ay yeeshaan Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda cusub ee uu madaxweynaha u yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana laga war sugayaa qaabka uu noqon doono xiriirka dhex mari doono.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa aaminsan sida sharciga qabana ah in dowladda dhexe ay leedahay awooda ugu badan dalka, isla markaana maamul Goboleedyada ay yihiin kuwa hoos yimaado dowladda, balse sharcigaas inta badan kuma qanacsano Madaxda maamul Goboleedyada oo doonayo inay u dhaqmaan sida madaxweynaha Soomaaliya oo kale.
Qaar ka tirsan Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa heshiis caalami ah oo aysan dowladda dhexe ka warqabin la galay dowladdo shisheeye, midaas sharci ahaan waxaa lagu tilmaamay inay tahay xad gudub.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

