Duqu cusub ee Muqdisho oo gurigiisa ku booqday Malaaqa Xamar iyo Xamar Daye

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi ayaa shalay gurigiisa ku booqday Malaaqa Xamar iyo Xamar-Daye.

Malaaq Cali Malaaq Wehliye ayaa gudoomiyaha uga mahad celiyey booqashadiisa oo ku saabsaneyd salaan iyo is xog-wareysi, ku aadan aayahana dadka iyo deegaanka gobolka Banaadir.

Taabit ayaa Malaaqa u sheegay inuu yahay Malaaqa iyo odayga deegaanka Muqdisho, islamarkaana uu ku xushmeynayo arrintaas, wixii ku saabsan gobolkana uu talo weyn ku yeelan doono.

Malaaqa ayaa aad usoo dhaweeyey xushmada iyo sida uu u sharfay guddoomiye Taabit, una sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu la shaqeeyo, gacanna ka siiyo wixii ku saabsan magaalada Muqdisho

Malaaqa oo matala dadka deegaanka Muqdisho, ayaa kulanka uu la qaatay gudoomiye Taabit waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xildhibaan Qaasim Furdug oo horey u uga tirsanaa baarlamanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com