Gaas oo carro ka qaaday miraha wada-hadalkii DF iyo Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, waxa uuna kulamo kala duwan la leeyahay Madaxda ugu sareysa DF.

Hogaamiye Gaas ayaa la sheegay inuu aad kaga soo horjeedo mugdiga uu Madaxweynaha Somalia galiyay Heshiiska ay Puntland la gashay dowlada Imaaraadka carabta kaa oo salka ku haya dhismaha Dekadda iyo Garoonka Gaalkacyo.

C/wali Gaas ayaa laga soo xigtay in Puntland ay kasoo horjeedo talaabooyinka ay qaaday DFS ee lagu burburinaayo Heshiiska ka dhexeeyay Puntland iyo Imaaraadka Carabt.

Gaas waxa uu sidoo kale sheegay in Puntland ay dib ula laaban doonto kalsoonida haddii ay dhacdo in DFS ay mugdi galiso Heshiiska labada dhinac.

Gaas ayaa cadeeyay in Mowqifka Puntland uu yahay tiigsiga Horumar muuqda oo wax ka bedeli kara xaalada muuqaal ee ka jirta Puntland.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalmo un ka hor kasoo laabtay safar uu ku tagay magaalada Abu Dabai kaa oo ku saabsanaa laalida Heshiisyada ay Imaaraadka la gashay Somaliland iyo Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com