Xog ku saabsan siyaasiyiin cusub oo kusoo biiray loolanka loogu jiro R/W

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar gaar ah oo ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegayo inay shaqsiyaad cusub kusoo biireen liiska siyaasiyiinta doonayo inay helaan booska ra’isulwasaaranimo oo 30 berri gudahood looga fadhiyo Madaxweyne Farmaajo inuu kusoo magacaabo.

Illo wareedyo ku dhaw dhaw madaxweynaha shacabka ay doorteen ee Farmaajo ayaa sheegayo in Yuusuf Garaad  iyo Musharixii u tartamayey madaxweynimada Dr. Maxamud Maxamed Culusow ay kusoo biireen siyaasiyiinta doonayo xilkaas.

Xog aan la xaqiijin oo soo baxeyso ayaa sheegeyso in Yuusuf Garaad oo garab weyn ka helayo UN-ka iyo safaaradaha dowladaha shisheeye ee Xamar Fadhiyo kuwaas oo farmaajo xoogga ku saarayo inuu ninkaan  Ra’isulwasaaare ka dhigo.

Midda culeyska ku noqoneyso Yuusuf Garaad ayaa ah in beesha uu kasoo jeedo ay aad ugu doonayaan xilkaan  Dr. Culusow oo isna kamid ah shaqsiyaadka aadka ugu cadcad.

Odayaasha beesha uu Culusow kasoo jeedo ayaa wadaan ololo ballaaran oo ay ku doonayaan inuu siyaasigaa xilkaan ku fadhiisto.

Wixii warar ah ee kusoo kordha arrintaan  waxaad kala socon doontaa Caasimaadda Onlie Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com