Xog-warran: Maxaa Xasan Sheekh afka qabtay doorashada kadib?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa weli deegaan ku ah Madaxtooyada Somalia xili maalmo ka hor looga guuleystay Doorashadii taariikhiga ahaa.

Xasan Sheekh ayaa Madaxtooyada ka dhexwada qaabilaad u muuqaal eg sagootin oo uu u sameynaayo Xukuumadii hore, Beesha Caalamka, Siyaasiyiin iyo Ganacsato garab kusiiyay Doorashada.

Xasan Sheekh ayaa waxaa Madaxtooyada ku booqanaaya shaqsiyaad ay isku dheer yihiin kuwaa oo ay ku jiraan saaxiibadiisii ku wehlinaayay Siyaasada.

Xasan Sheekh ayaan wali kasoo muuqan Tv-yada iyo misna ka hadal idaacadaha tan iyo markii looga guuleystay Doorashadii adkeyd ee taariikhda gashay.

Dadka qaar ayaa qaba in Xasan Sheekh uu ku dhiirado barnaamij gaara oo shacabka kula wadaagaayo isbedelka ka dhacay dalka si shacabka uu u faro in lala shaqeeyo Dowlada Cusub, maadaama isaga uu ku haray loolankii adkaa.

Sidoo kale, dadka qaar ayaa qaba in Xasan Sheekh uusan la khidaabin bulshada maadaama uu ka degay xilka uu u hayay Qaranka oo uu kala kulmay dhaliilo kala duwan mudada uu hayay.

Si kastaba ha ahaatee, Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu wareejiyo xilka Qaran, si Madaxweynaha cusub uu xilkiisa Qaran u guto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com