Ku-simaha hantidhowrka oo waraaq si xoog ah looga saxiixay shaqaalaha xafiiskaas u gudbiyey Farmaajo iyo Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Kusimiha Hantidhorwka Guud ee Qaranka Cali Abuukar ayaa wado dadaal uu ku doonayo in xilkaas si rasmi ah loogu magacaabo.

Kusimaha ayaa waraaq u qoray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Kheyre, wuxuuna ka codsaday in xilkaas si rasmi ah isaga loogu magacaabo.

Waraaqdaan ayaa Shalay si rasmi ah loo gaarsiiyey madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya, ilaa haddana ma aysan kasoo jawaabin.

Cali Abuukar ayaa Shaqaalaha xafiiska Hanti Dhowraha dhammaantood ku qasbay inay liiskooda soo qoraan isla markaasna ay saxiixaan inay ku qanacsan yihiin inuu isaga noqdo Hanti Dhowraha Qaranka si uu u buuxiyo booskii Dr. Nuur Faarax.

Kusimaha ayaa inta badan Shaqaalaha ku qasbay inay saxiixaan haddii kale ay weyn doonaan shaqadooda, waxayna ku qasbanaadeen inay amarkaas fuliyaan.

Cali Abuukar ayaa waraaqda uu uu qoray Farmaajo ku caddeeyey in dhammaan Shaqaalaha xafiiska Hanti dhowraha ay ku qanacsan yihiin inuu isaga xilkaas sii hayo, balse sida ay Caasimadda Online xogta ku heshay inta badan shaqaalaha xafiiska Hanti Dhowraha kuma qanacsano in si rasmi ah xilkaas loogu magacaabo Cali.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Degreeto xilkii uga qaaday Hanti dhowrihii qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo ay ilaaladiisa dil u geysteen Allaha u naxariistee Wasiir Cabaas Siraaji, wuxuuna xilligaas Madaxweynaha xilkaan si kumeel gaar ah ugu magacaabay Cali Abuukar, kaasoo hadda doonayo inuu si awood ah xilkaas ula wareego.

Qaar ka tirsan Shaqaalaha Xafiiska Hanti dhowrka guud ayaa Caasimadda Online u sheegay in intooda badan lagu qasbay inay waraaqdaas saxiixaan taasoo madaxweyn Farmaajo looga codsanayey inuu xilkaas si rasmi ah ugu magacaabo Cali Abuukar.

Waxaa la sugayaa go’aanka uu Madaxweyne Farmaajo arrintaan ka qaado, taasoo dad badan ay u arkaan inay tahay arrin dhibaato badan ay ka dhallan doonto haddii Cali Abuukar xilkaas loo magacaabo.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla soo socodsiin doonaa Inshaa Allah.

Daawo: Heshiiska bahwadaageed ee DF iyo ganacsatada oo la meel-marinayo

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com