Xulufada Sacuudiga oo dhabar jab kale kala kulmay dagaalka ay ku hayaan Qatar

Doha (Caasimada Online) – Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa qaatay go’aan xulufada Sacuudiga ee cadaadiska ku haya Qatar dhabar jab ku ah, kuna xaqiijiyey in cadaadiskooda uusan weli wax dhaawac ah gaarsiin karin Qatar.

FIFA ayaa war cusub oo ay soo saartay ku beenisay warbixinada sheegaya inuu socdo dadaal dalka Qatar looga wareejinayo marti-gelinta koobka adduunka ee sanadda 2022, taasi oo ay aad u rabaan Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

War qoraal ah oo kasoo baxay FIFA ayaa lagu yiri “Madaxweynaha FIFA marnaba ma helin codsi rasmi ah oo arrintan ku saabsan, kamana bixin wax jawaab ah”.

“Koobka adduunka ee 2022 waxaa loo qorsheeyey dalka Qatar, illaa iyo haddana wax iska beddelay arrintaas ma jirto, wuxuuna u dhacayaa sidii loogu talo-galay”

Wakaalada wararka Reuters ayaa horey u warisay in dalalka carabta ee xiisadda ay kala dhaxeyso Qatar, ay FIFA weydiisteen inay tallaabo ka qaado dalka Qatar.

Daawo: Heshiiska bahwadaageed ee DF iyo ganacsatada oo la meel-marinayo

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com