Dhageyso: Maamulada Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle oo dhul ku heysto gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulada Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa la sheegay inay dhul ku heystaan Gobolka Banaadir, dhulkaas oo horey uga tirsanaa Magaalada Muqdisho xilligii dowladii Siyaasadd Barre

Guddiga Madaxa banaan ee xuduudaha federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu dadaal weyn ugu jiro sidii loo xalin lahaa khilaafaad dhinaca soohdinta ah oo ka dhex taagan qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Khaliif Cabdikarim Maxamed oo ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha Federaalka ayaa ka dhawaajiyey inuu jiro dhul ay Maamulada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ku heystaan Gobolka Banaadir isla markaasna la doonayo inay xal laga gaaro.

Wuxuu sheegay in xalka uu ku jiro in la raaco calaamadihii ay dowladdii Siyaad Barre u sameysay xuduudaha Gobolada iyo Deegaanada Soomaaliya, midaasna ay tahay xalka ugu macquulsan ee khilaafka lagu dhameyn karo.

Guddoomiyaha oo wareysi xasaasi ah siiyey Idaacadda VOA qeybteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay inay dadaal kasta ku bixinayaan sidii loo dhameyn lahaa khilaafka xuduudaha ee ka dhaxeeyo Puntland iyo Galmudug, Hirshabelle iyo Muqdisho, Koonfur Galbeed iyo Muqdisho, Koonfur Galbeed iyo Jubbalanad.

Wuxuu ku celceliyey in dastuurka Dowladda Soomaaliya uu qorayo inay xuduudaha Gobolada Soomaaliya loo marayo sidii ay u calaameysay dowladdii Siyaad Barre, midaasna loo baahan yahay in la casriyeeyo isla markaasna lagu soo daro dhulalka markaas kadib magaalooyinka noqday.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso wareysiga uu Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha Federaalka siiyey idaacadda VOA

Daawo: Heshiiska bahwadaageed ee DF iyo ganacsatada oo la meel-marinayo

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com