Muqdisho (Caasimada Online) Ilo Xog-Ogaal ah oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa noo sheegay in habeenkii xaley ay ka kala dhaceen Xafiiyadda Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha kulamo looga hadlaayay khilaafka ka dhex aloosan Xasan Sheekh iyo Cabdi Faarax.
Maxaa looga hadlay kulanka ka dhacay Xafiiska Madaxweynaha, yaana ka qaybgalay?
Ilaha aan warkan ka soo xiganay ayaa sheegay in kulanka ka dhacay xafiiska Madaxweynaha ay ka qaybagleen beelaha ka soo jeeda Digil iyo Mirifle, waxaana uu madaxweynaha kala hadlay siddii ay u taageeri lahaayeen qorshaha uu wato ee ah in meesha laga saaro Raysal Wasaare Saacid.
Sidoo kale Madaxweynaha kulamo noocan oo kale ayuu la qaatay shaley Waxgaradka iyo Odayaasha soo xulay mudanayaasha baarlamaanka.
Odayaasha Madaxweynaha la kulmay ayaa u ballan qaaday in ay taageeri doonaa qorshaha Xasan Sheekh ee in meesha ka saaro Saacid.
Saacid yuu isna kula kulmay Xafiiskiisa?
Sarkaal ku sugan xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa noo xaqiijiyay in Raysal Wasaare Saacid uu la kulmayqaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka, kuwaasoo uu ka codsaday in ay siiyaan kalsoonida si uu u sii joogo xafiiska.
Raysal Wasaaraha ayaa u ballan qaaday xildhibaannada uu la kulmay in miisaan culus uu ka siin doono xukuumadda cusub.
Isku soo duub, waxaa magaalada Muqdisho ka socda kulamo looga hadlaayo khilaafka ka dhex taagan Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha, waxaana xildhibaannada baarlamaanka ay u kala jabeen labada nin.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

