Kulan lagu heshiisinayo FAROOLE iyo Axmed Madoobe oo ka dhacay Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi  ee Xarunta  Wadanka Kenya waxaa  xalay ka dhacay kulan  lagu heshiisiinayo Madaxweynaha Puntland  Dr Cabdiraxman Faroole  iyo  Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Sh Axmed Madoobe.

Kulankaan oo ka dhacay Hoteelka caanka ah ee Intercontinentaal  ee Magaalada Nairobi ayaa waxaa ka qayb galay Masuliyiinta aan kor ku soo xusnay iyo wufuud ay kala hogaaminayaan iyo waliba Ganac iyo Siyaasiyiin kala oo labada dhinac u kala dabqadayay.

Axmed Madoobe iyo Faroole oo ahaa rag saxiib ah oo  Siyaasada iku dhinac u wada ayaa waxaay ku kala irdhobeen  heshiiski Adis Ababa uu Axmed Madoobe kula saxiixday  Dowlada Somalia.

Madaxweynaha Puntland  Dr Faroole ayaa waxaa uu qabay in aan la aqbalin wax ka yar Jubbaland State of Somalia oo ah Maamul Goboleed buuxa balse taasi ma dhicin  waxaana  Axmed Madoobe u soo saxiixay Maamul KMG ah oo shaqaynaya mudo 2 sano ah waxaana arinkaasi ay ka caraysiisay Dr Faroole.

Si kasta  ha ahaate Kulankii xalay oo ay saxaafadu dibad joog ka ahayd ayaa  la cadayn karin waxaa ka soo baxay balse Warbaahinta wa ay ku daba jirta Nuxurki ka soo baxay Shirki xalay dib ayayna idinka soo tabindoonta Insha alah.

Source: Kismaayo24