Xog: Kulan uu albaabada u xirnaa oo dhexmaray Farmaajo, Kheyre iyo Jawaari

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa sheegaya in kulan uu albaabada u xiran yahay uu dhexmaray Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi, Ra’isul wasaare Kheyre iyo Guddoomiyaha BF Jawaari.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa waxaa xal loogu raadinaayay Ra’isul wasaare Kheyre oo xiligaan la kulmaaya culeysyo kaga imaanaya dhanka xubno ka tirsan baarlamaanka Somalia.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in mudada uu kulanka socday uu Madaxweynaha Somalia Farmaajo ka dalbaday Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan in xal degdeg ah loo raadiyo is fahan darida Ra’isul wasaaraha kala dhexeysa baarlamaanka Somalia.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu Jawaari ka dalbaday in Ra’isul wasaaraha uu kala shaqeeyo xal u raadinta Xildhibaanada u tafaxeydanaaya inay carqaladeeyan Xukuumada kadib furitaanka Kalfadhiga.

Waxa uu Madaxweynuhu Guddoomiye Jawaari ka dalbaday in kulamo is arag ah uu ka dhex sameeyo Ra’isul wasaaraha iyo Xildhibaanada garabka kacdoonka wada, si buu yiri loo helo xasilooni Siyaasadeed.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa la faray inuu ka shaqeeyo xasilinta kacdoonada ay wadaan Xildhibaanada mucaaradka, iyadoo laga duulaayo guuxa ka dhex aloosan Xukuumada iyo baarlamaanka.

Kheyre ayaa dhankiisa ka ballanqaaday inuu xooga saarayo xal u helida tabashooyinka baarlamaanka, waxa uuna dhankiisa ka qiray inay jiraan tabashooyin isbiirsaday oo ka imaanaya dhanka mudanayaasha dhaliilsan Siyaasada.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaare Kheyre iyo Jawaari ayaa gudaha asbuucaan bilaabi doona kulamo joogta ah oo ay la kala yeelanayaan Xildhibaanada, waxaana xusid mudan inay sii kordhayaan Xildhibaanada dhaliilsan Siyaasada Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com