Xog: Kulan xasaasi ah oo caawa ka socda Villa Somalia – Dood ka dhalatay taliyayaashii la magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Villa Somalia ayaa sheegay in kulan xasaasi ah uu caawa ka socda halkaas.

Kulankan ayaa u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ra’iisul wasaare Kheyre, wasiirka amniga Ducaale, taliyaha booliska Bashiir Ameeriko, iyo sii-hayaha taliyaha NISA ahna ku-xigeenka Fahad Yaasiin.

Kulankan ayaa yimid saacado kadib markii la beddelay hoggaanka talisyada booliska gobolka Banaadir, taasi oo ka dambeysay weerar qorsheysan iyo qaraxyo dhowr ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xogta naga soo gaareysa kulankaas ayaa sheegeysa in dood ay ka dhalatay magacaabista taliyayaashan oo uu sameeyey guddoomiyaha booliska gobolka Banaadir, Saadaq John.

Wararka ayaa sheegaya in magacaabistan uu ka hor-yimid taliyaha booliska Jeneral Bashiir Ameeriko, oo aan lagala tashin, islamarkaana un ka ogaaday warbaahinta.

Taliyaha booliska dalka ayaa leh awoodda magacaabista taliyayaasha degmooyinka, ayada oo taliyaha booliska heer goboleed uu leeyahay soo jeedin.

Bashiir Ameeriko ayaa sidoo kale diidan shaqsiyaadka loo magacaabay xilalkan, oo badankood horey uga tirsanaa nabad-sugidda, isaga oo rumeysan inaysan aqoon xeerarka booliska.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale la sheegay inuusan ka war-hayn arrintan. Saadaq John ayaa waxa ay aad isugu dhow yihiin ra’iisul wasaaraha.

Ka sokow doodad ka taagan magacaabista iyo heerka loo maray, waxaa sidoo kale kulanka looga hadlayaa in loo baahan yahay is-beddel ka weyn taliye boolis degmo oo la beddelo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com